Friday, April 17, 2026
HomeWararGudahaAbaabul ka dhan ah HirShabelle oo ka socda Beledweyne{AKHRISO}

Abaabul ka dhan ah HirShabelle oo ka socda Beledweyne{AKHRISO}

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka dhan ah maamulka HirShabelle uu ka billowday duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abaabulkan ayaa waxaa horkacayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo horay u taageeray guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Jayte Cismaan.

Ciidamo hubeysan oo sidoo kale wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay duleedka magaalada, halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen xildhibaanada horkacaya.

Sidoo kale ciidamada oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah HirShabelle ayaa dhoolatus ballaaran kusoo bandhigay halkaasi oo sidoo kale khudbado loogu jeediyay.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo wariyeyaasha la hadlay ayaa shaaciyay in laga dhegeysan waayay tabashada reer Hiiraan, hadana ay diyaar yihiin in xaqooda raadsadaan,

“Dadkeena waa mudaharaadeen, korna waa u hadleen balse waa la dhageysan waayay tan hadda taagan way ka gudubtay sabarkii shalay waxa la rabo wiilka 20 jirka ah ee gobolka Hiiraan kasoo jeedo in uusan talo  lahaanin” ayuu yiri xildhibaankan oo kasoo jeedo Hiiraan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe