Monday, October 27, 2025
HomeWararGudahaGuddoomiye ku-xigeen iyo imaam Masjid oo ku geeriyooday Weerar ka dhacay Gobolka...

Guddoomiye ku-xigeen iyo imaam Masjid oo ku geeriyooday Weerar ka dhacay Gobolka Mudug

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar koox hubaysan ay ku qaadeen degaan hoos yimaada magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa tilmaamaya in Seddex ruux ay ku dhimatay laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar ka dhacay deegaanka Daaru-salaam, warar kala duwan ayaana kasoo baxaya weerarkaasi.

Dadka ku dhintay weerarkaasi lagu qaaday degaanka ayaa ku jira Guddoomiye ku-xigeenkii deegaanka la wareeraray iyo imaam masaajid, oo ka mid ahaa dadka degaankaasi.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan in mashaqadan ay salka ku hayso aano-qabiil.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka, oo ay kaga hadlayaan weerarkaasi khasaaraha dhaliyay, waxaaan Gobolka Mudug kusoo laalaabta dagaalada salka ku haya aanooyinka qabiil.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe