Thursday, November 20, 2025
HomeWararDhageyso:-Wabiga Shabelle oo markale Fatahaad cusub ka sameeyay magaalada Baledweyne

Dhageyso:-Wabiga Shabelle oo markale Fatahaad cusub ka sameeyay magaalada Baledweyne

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Xalay markale fatahaad ka sameeyay xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin.

Fatahaadaan cusub ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan xaafadaha Baledweyne ay intooda badan ka baxeen biyahii ku fatahay bishii lasoo dhaafay sagaalkeedii guud ahaan xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Waxaa sidoo kale fatahaadan ay imaaneysa, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka barakacay guryahadooda maalmo kooban ka hor ay dib ugu laabteen xaafadahaan uu Xalay markale ku fatahay wabiga Shabeelle.

Inkastoo biyaha cusub ee uu haatan wado wabiga shabeelle aysan xajmi ahaan dhameyn biyahii hore, hadana waxaa walaac xoogan ka qaba biyahaan soo rogaal celiyay markii labaad dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran fatahaada uga geystay wabiga Shabeelle.

 

​

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe