Thursday, June 25, 2026
HomeWararWasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in baaris ay ku waddo Dugsiyada ay dhiganayeen...

Wasaaradda Waxbarashada oo sheegtay in baaris ay ku waddo Dugsiyada ay dhiganayeen Arday laga reebay Imtaxaanka shahaadiga

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay baaris ku sameeneyso dugsiyada ay dhigtaan Arday la sheegay in Imtaxaanka dowladda loo diiday in ay galaan.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu horreyn guul u rajeysay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee maanta oo ah u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay baaris ku sameysay Ardey ka cabanaysay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, ee fasalka 12aad, iyada oo Wasaaradda sheegtay in Ardeydaas aysan soo marin habraaca sharciga.

“Wasaaradda Waxbarashada waxa ay baaris ku sameeysay cabashooyinkii ardaydan, waxaana u caddaatay in ardaydani aysan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada, xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog-kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka (EMIS),” sida lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay baaris ku waddo Dugsiyada ay dhiganayeen Ardayda laga reebay Imtaxaanka, “Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hannaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen. Dugsigi ay ku caddaato in ay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan, waxaa la la tiigsan doonaa sharciga.”

Ugu dambeyn Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku wargalisay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan dugsiyada, “Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadaan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hannaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalka, had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.” Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe