Thursday, June 25, 2026
HomeWararXoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Muqdisho & mas’uuliyiin soo dhaweeyay

Xoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Muqdisho & mas’uuliyiin soo dhaweeyay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Garoona diyaaradaha Aadan-Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madax kale.

Antonio Guterres ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareeysa dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Waxaa socdaalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loo xiray inta badan waddooyinka Caasimadda, iyada oo lagu arkayo Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe