Tuesday, May 26, 2026
HomeWararFaafaahin:-qarax ka dhacay Muqdisho.

Faafaahin:-qarax ka dhacay Muqdisho.

Qarax jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee Magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan nooca uu yahay ayaa lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wataan Ciidamada ATMIS, xilli ay marayeen agagaarka Xarunta Hay’adda dambi barista CID-da ee Magalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana Ciidamada lala beegsaday ay ka yimaadeen dhinaca wadada Cabdiqaasin kuna wajahnaayeen dhinaca Isgoyska Soobe.

Waxaa hadda Ciidamada ATMIS ay xirteen wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Soobe ee Magaalada Muqdisho, waxaana hakad kujira isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe