Xubnaha ay dowlada Kenya baadi goobeyso oo gaaraya ilaa 5 ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin:

Ramadan Hamisi Kufungwa

Kufungwa ayaa ka amar qaata dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana uu isku dubbaridaa weerarada ka imaanaya Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsanayo dadka Kenyaanka ah.

Waa isku xirka Kassim Musa Mwarusi, oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa fulinta weerarradii Boni iyo dhaqdhaqaaqa dadka la qorayo si ay ugu biiraan Al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixsada ee Kenya.

Ciise Cabdalla Axmed

Axmed oo ka soo jeeday magaalada Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa ku biiray Al Shabaab, waxaana uu u safray Soomaaliya sanadkii 2014-kii.

Dhowr jeer oo hore ayuu ka qeyb qaatay weeraro dalka ka dhacay, waxaana uu ka gaaray darajooyin uu ka mid noqday guutada is qarxinta.

Waxa uu hadda ku hawlan yahay qorsheynta weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada dalka gudihiisa.

Axmed Cumar Siciid oo ku magac dheer Dogo Tabibuu,

 

Saciid ayaa sidoo kale ka soo jeeda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi, waxaana uu sanadkii 2016-kii ku biiray ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka tirsanaa guutada Jaysh Ayman ee garabka sirdoonka Al-Shabaab.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Keymaha Boni.

Macallin Yuusuf Xasan Cabdullaahi oo ku magac dheer Isaaq Xasan Cabdullaahi

Cabdullaahi ayaa loo raadinayaa dil saddex macalin loogu geystay deegaanka Qarsa ee ismaamulka Wajeer sanadkii 2018-kii iyo dilkii kaaliyihii madaxa deegaanka Gumurey December 2020.

Macalin Cabaas oo ku magac dheer Cabaas Guyo.

Waxaa lala xiriirinayaa qorsheynta weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii Abriil 2014 halkaas oo hal 147 qof ay ku naf waayeen weerarro kale oo ka dhacay dalka Kenya.

Facebook
Twitter