Tuesday, May 26, 2026
HomeWararDeg deg qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Deg deg qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weraray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku Shaqeeyaan mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka.

Qaraxa ayaa wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaaaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay darbiga dambe ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib xigay rasaas xoogan oo la maqlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen Xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo Shaqooyin kala duwan ay ka socdaan, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe