Thursday, June 25, 2026
HomeWararKoox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur

Koox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur

In ka badan 30 sano meydad ku aasnaa qubuuraha Macalin Nuur ee deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho ayaa lagu bilaabay in dib loo fago, iyadoo aan la ogeyn cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaas.

Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nuur oo tobanaan sano ka hor sadaqeystay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan.

Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sameynayaan ‘dad uu hunguri ka galay’ dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan.

Sidoo kale waxaa halkaas tagtay koox dhalinyaro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, waxayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doonaan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhulkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nuur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor.

Dad meydadka ehelkoodii geeriyooday banaanka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey halkii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la hadlay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe