Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & hoggaanka tababarada Ciidamada Booliiska Midowga Afrika ATMIS oo ku kulmay Magaalada Baydhabo ayaa kawada hadlay qorshaha lagu adkeynayo amniga deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.
Madaxda ATMIS ka socotay ayaa sheegtay in ay xoojineyso taageerada Amni & la howlgalka Ciidamada ammaanka ee gacanta ku haya Magaalooyin muhiim ah sida Baydhabo oo xarun KMG ah DG Koofur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa hoggaanka ATMIS Ka codsaday in ay u tababaraan Ciidamo Booliis cusub ah oo qaarkood la diyaariyay si ay xoojiyaan ciidamada kale ee ka howlgala Magaalooyinka.
War kasoo baxay Madaxtooyada DG Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in Diiradda la saarayo sidii Dowad-Goboleedkaas uu u heli lahaa Ciidamo Booliis ah oo dheeraad ah si uu qayb uga qaato qorshaha adkeynta nabadgalyada.
“Kooxda ATMIS waxa ay marweliba tababaro lagu kordhinayo la dhaqanka Bulshada & howlaha sugidda amniga siiyaan Ciidamada Booliiska Koofur Galbeed, Madaxweyne Laftagareen waxa uu ATMIS u bandhigay qorshaha guud ee tababarada Ciidamo Booliis ah, kuwa dambi baarista (C.I.D). & kuwa ilaalinta nabadgalyada waddooyinka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada DG Koofur Galbeed.
DG Koofur Galbeed waxaa tababarada Ciidamada Daraawiishta ka gacansiiya Saraakiil ka socota Midowga Yurub gaar ahaan Dowladda Ingiriiska, halka Booliiska uu u tababaro howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

