Sunday, May 31, 2026
HomeWararShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in lasoo gabagabeeyo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Muqdisho, Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda oo ay uga arrinsadeen qodobo ay ugu weyn yihiin Amniga & Abaaraha.

Kulanka oo billawday 27kii October 2022, Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa gorfeeyay xaaladda Dalka gaar ahaan Amniga oo hoos imaanayaan la dagaalanka Al-Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dhexdooda & arrimaha Bani aadamnimo.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay isla markaana shir Guddoominaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay ka mira-dhalinta qodobada ay kawada hadleen.

Waxaa lagu wadaa in warmurtiyeed muujinaya qodobada ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka laga soosaaro gunaanadka shirkaan.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa barbar socda kulamo doceedyo ay yeelanayaan Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si ay uga arrinsadaan xoojinta qodobada miiska u saaran.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe