Saturday, May 30, 2026
HomeWararWararkii ugu dambeeyay khasaaraa ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraa ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa markale wuxuu ku dhexmaray degaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaadka macawiisleeyda oo garab ka helaya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawiisleyda ay weerareen degaanka Qabno oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku dhintay ilaa 8 Ruux oo dhinacyada ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminaya howlgallada Ciidamada dowladda ka wadaan inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan & Maxaas, iyaga oo howlgalka kula wareegay dhowr degaano oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe