Monday, May 25, 2026
HomeWararFaah faahin: Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Bakool

Faah faahin: Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Bakool

Dagaal culus ayaa saaka degaanka Aato ee Gobolka Bakool waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Aato weerar ku bilaawday hoobiyeyaal, waxaana dadka degaanka sheegeen in uu dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in intii uu dagaalka socday labada dhinac ay is dhaafsadeen tiro madaafiic ah oo ku dhacay degaanka Aato iyo duleedka degaankaas, hayeeshee aysan shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka degaanka Aato saaka ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab uu ka dhashay khasaaro kala gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah, isla markaana dagaalka uu siweyn u saameeyay howlaha Ganacsiga degaanka.

Waa markii labaad oo degaanka Aato uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab muddo bil gudahood ah, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay Al-Shabaab ay weerareen degaanka Aato iyo degaano kale oo kuyaalla Gobolka Bakool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe