Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.
Mid ka mid ah barakacayasha kunool kaamka nasteexo ayaa yiri: waxaan ka mid ahay dadka masaakiinta ah oo degan waxaa kunool dad duqooy ah waxaa kunool dad naafa ah waxaa kunool dad dan yar ah. waxaa beenineynaa arin noogu yimid isuduwaha wasaarada gar gar gaarka maareynta iyo musiibooyinka hirshabeele ee gobolka hiiraan xawo axmed rijaal in ay ka been abuurtay.waxay nagu canbaareyneysaa waxay tahay laashuush ayaan idiinka raba dad qaxooti ah ayaa nahay laaluush nama qabto ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka hadlay dhibaatooyinka haysta dadka kunool kaamka barakacayaasha ee nasteexo.
Gudoomiyaha gobolka kan degmada waa ugu dacwoonay welina dacwadii ayaan dawa so nacay wax naga qabtana waa la,nahay ayuu yiri sidoo kale mid ah dadka barakacayaasha ah ee ka hadlay edeynta ay u jediyeen isuduwaha wasaarada gar gar gaarka maareynta iyo musiibooyinka hirshabeele ee gobolka hiiraan iyadii wax nasiin laheed ayaa na wareerisay ayuu sidoo kale sii raaciyay.
Hada ayaan kusoo biray kaamka nasteeo xawo axmed been abuur ayay noolo timid anigaa kaamkaas idiinka fiicane igu soo biira waxbaa idiin kala goynaa aniga isoo raaca ayay natiri anigana waa ka diiday wax dhibaata ah aan ku qabno maijiraan kaamka aan kunoolnahay waa na nasoo dhaweeyeen dadka aan kaamka uu imaanay ayay tiri Amino cabdi oo kunool kaamka nasteexo ee kuyaala xaafada kooshin ee magaalada baladweyne.
Sidoo kale maryan maxamed maxamuud oo dhankeeda ka hadashay ayaa tiri: waxaa u sheegeynaa aduunka dhiibato waxaa nugu haysa xaawo axmed kaam nasteexo wax caqabad ah kama jraan ilaa iyo mudo afar sano ah ayuu dhisanyahay kaam nasteexo waxay nala dawa taagneeday laaluush iyo wax isiiya wixii aan diin keeno laba noogu dhega bar isiiya ayaan ka diidnay wax cabaqad ah kama jiraan waxa caqabada nagu ah waa xaawo axmed waxaan u sheegeynaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle in naga qabto xaawo axmed isu duwaha wasaarada gar gaar maareeynta iyo musiiboyinka hirshabeele ee gobolka hiiraan gudoomiyaha gobolka ugu dacwoonay dhibaato ayay noagu haysaa waxay nasiisay manan arag hadii waxaan idiin siiyo adan wax iga siineynaynin waxbo idiin seynmaayo ayay natiri ayay ku dartay hadalkeeda mana jrto mudo afar sano ah wax ay noo qabatay.
Ugu danbeyn waxaa ka hadashay naxteexo cabdulahi gudoomiye ku xigeenka kaamka nasteexo yaa sheegtay in mudo afar sana ah aysan arkin wax gar gaar ah oo ku filan dadka kunool kaamka ay ku xigeenka ka tahay.
Magagaceydu waa nasteexo cabdulahi waxaa ahay gudoomiye ku xigeenka kaamka nasteexo dhibaatooyinka ugu weyn oo nahaysta waxay tahay xaawo axmed ayaa naga gudbisay wax been abuur eh sababtoo ah dad ayay meel ka soo ka xeysatay waxay ka dhigtay in ay kaamka matalaan waxay tiri kaam nasteexo ayay deganyihin Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ayay u geysay waxaasna wax macquul ah mahan.waxayna ugu baaqday in Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle uu indhihiisa uu ku arko dhibaatada jirto dad masaakiin ah ayaa dagan ayay ku soo gaba gabeysay hadalkeda.
Sidoo kale waxaay baaq u dirtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla Gobolka Hiiraan.
W/D:Bashiir cabdulahi osmaan
bashka694@gmail.com
Baladweyne.soomaliya

