Saturday, May 30, 2026
HomeWararMareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah

Mareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

“Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kwaas oo loo qaaday Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti. Waxa kale oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin daabulida iyo qaybinta hal kiilo oo daroogada nooca Heroin-ka ah oo la geeyay Mareykanka.

Kinoti ayaa sheegay in Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019.

Kinoti ma soo hadal qaadin Axmed.

Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amarka qabashada tuhmanayaashan.

Eric Kneedler, oo ah u qeybsanaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciribtirka daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka madaxweyne Joe Biden, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kala shaqeyn doono Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyadan, kuwaas oo saameynaya labadaba dal.

Bishii Luulyo 2020, nin kale oo looga shakisan yahay ka ganacsiga duurjoogta, Abubakar Mansur Mohammed Surur, ayaa la xiray oo loo gacan geliyay Mareykanka Surur ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa ugaarsiga sharci darrada ah ee ugu yaraan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi ah.

Previous article
Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay Urururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka. Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay. Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Janaale. Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaannada dhaca dhinaca Galbeed ee Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose. Degaannada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Shabac ,Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon, halkaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen. Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday ay Ciidanka ay u suurto gashay in gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsana Degaannada howlgalka laga sameeyay, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada uu yahay (Sakhraawi) , isla markaana ay dileen Afar Xubnood oo ahaa ilaalada Sarkaalka, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed Dhageey.
Next article
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe