Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maanta la filayaa inay yeeshaan kulamo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Kulamada oo ka kala dhacaya Villa Hargeysa iyo Xarunta Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay Xildhibaannada labada Aqal, waxaana Ajandaha looga hadlayo uu yahay.
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maalinta berito waxa ay yeelan doonaan kulan.
Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwaas oo go’aamin doona xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa si gooni gooni ah isaga oo xuli doona Xubno kamid noqonaya Guddiga doorashada Madaxweynaha si howlaha doorashooyinka ah ee socda loo dhameystiro.

