Saturday, August 1, 2026
HomeWararWeerar ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

Weerar ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka baarka oo kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka ku dhaawacmay saddex askari oo katirsan Ciidamada Jubbaland.

Saraakiil katirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen kana hortageen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe