Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Guddiga FIET?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jubbaland & Guddiga FIET?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku marti qaaday Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Jubbaland ee dhawaan soo gaba gabeeyay doorashooyinka labada deegaan doorasho ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay shaqadii adkayd ee ay soo qabteen taas oo muhiim u ahayd dhismaha Dowladda Cusub ee dalku uu dhawaan yeelan doono lagagana gudbayo marxaladan adag ee hadda uu dalku ku jiro.

Waxaa kale oo munaasabadan Madaxweynaha ku wehelinayay labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka baarlamaanka iyo masuuliyiinta labaad heer ee Guddiyada doorashooyinka dalka.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya in weli muran uu kajiro doorasbooyinkii ka qabsoomay Gobolka Gedo, isla markaana murankaas hadda laga dareemayo Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe