Sunday, October 18, 2026
HomeWararGolaha Wasiirada Puntland oo ka shiray Amniga & xaaladda dekadda Boosaaso

Golaha Wasiirada Puntland oo ka shiray Amniga & xaaladda dekadda Boosaaso

Axmed Cilmi Cismaan Karaash Madaxwayne ku xigeenka Puntland ee xalay sheegay inuu la wareegay Kursigga Madaxwaynenimo ee puntland ayaa shir gudoomiyay Shirki ugu horeeyey ee Gollaha Wasiiradda Maamulkaas kadib wareegtaddii xalay.

Shirka ayaa waxaa looggu hadlay Amniga guud, xaalada Dekeda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Warbixino ka dhageystay dhamaan Golaha Wasiirada ee Shirka ku sugnaa, isaga oo faray inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Puntland.

Waa Shirkii ugu horreeyay ee uu guddoomiyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karash tan iyo markii uu xalay sheegay in uu la wareegay Madaxtinimada Maamulka Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe