Sunday, October 18, 2026
HomeWararKhasaaraha nafeed & midka Hantiyadeed ee dagaalkii Boosaaso oo la soo bandhigay

Khasaaraha nafeed & midka Hantiyadeed ee dagaalkii Boosaaso oo la soo bandhigay

Guddigii xaqiiqo raadinta ee dagaalkii Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada Puntland & kuwa PSF dhamaadkii Sanadkii la soo Dhaafay ee 2021 ayaa soo bandhigay qiimeynta Dhamaan Khasaaraha nafeed & midka hantiyadeed ee ka Dhashay dagaalkaas.

Guddiga oo ka Koobnaa 13 Ruux ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni dhawaan Boosaaso kula kumay, isaga oo u balan qaaday in uu bixin doono waxa ay ku qiimeeyaan Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkii Boosaaso.

Guddiga waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dhinteen 22 Ruux 86 kalena ay ku dhaaeacmeen, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar sidoo kale ku khasaartay lacag lagu qiyaasay $807,500 doollar.

Ugu dambeyn Xubnaha Guddiga ayaa eaxaa ay ugu baaqeen Madaxda Maamulka Puntland inay sitoos ah u fuliyaan dhaqan gelinta ama bixinta hantida ay ku qiimeeyeen inay ku khasaartay dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe