Wednesday, May 27, 2026
HomeWararShil khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Shil khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa sheegay in mid ka mid ah gawaarida Ciidamada ee la socday uu shil galay.

Gaariga shilka galay ayaa ka mid mid ahaa Kolonyo la socday Gudoomiyaha gobolka Mudug oo kusii jeeday Deegaanka Bandiiradley.

“Waxaa Saaka Shil Naga Galay Mid ka Mid ah Gawaaridii Ila Socotay xilli aan Kusii Jeeday Degmada Bandiiradleey Ee Gobolka Mudug ,Mahad oo Dhan Alle Ayay U Sugnaatay Inoo Yasiray Qasaaraha Gaariga Dhacay” ayuu yiri Gudoomiye Bukhaari.

“Waxaan Caafimaad Iyo Soo Kabasho Deg Deg ah U Rajeeynaa labada Askari  ee dhaawacu kasoo Gaaray Shilkaasi” ayuu yiri Gudoomiye Bukhaari

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe