Saturday, May 30, 2026
HomeWararMaamulka Galmudug oo cadeeyay mowqifkooda khilaafka doorashada

Maamulka Galmudug oo cadeeyay mowqifkooda khilaafka doorashada

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay inay Galmudug aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

” Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

Sidoo kale Galmudug waxaa ay sheegtay inay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna uu khatar galin karo wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyn Galmudug waxay adkaysay baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe