Thomas Solomon oo ah madaxa xafiiska arrimaha bani’aadminnimada hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa waraysiga uu ku bixiyey ku sheegay in dadka ay haatan abaaruhu saameeyeen Soomaaliya ay dhan yihiin afar milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo ay ku jiraan hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo nafaqo-darro hayso.
Roob la’aanta ka dhacday Soomaaliya ayaa waxaa ay keentay abaar xoogan oo saameeysay dad iyo Duunyo taas oo siweyn looga dareemay degaano kuyaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

