Tuesday, May 26, 2026
HomeWararGuddiga doorashada Jubaland oo shaaciyay ergada soo xulaysa labo kursi oo muhiim...

Guddiga doorashada Jubaland oo shaaciyay ergada soo xulaysa labo kursi oo muhiim ah

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay magacyada Guddiga xulista Ergooyinka kuraasta #HOP124 iyo #HOP029.

Kursiga #HOP124 oo uu ku fadhiyay C/raxmaan Dheere oo ahaa  gacanyaraha Taliyihii hore ee muranka badan dhaliyay ee NISA Fahad Yaasiin.

Cabdiraxman Dheere ayaa kursigan ku soo laaban doonin, waxaana loo xiray  ganacsade Maxamed Nadiif oo horay ugu fadhiyay kursigan xilligii Dowladdii KMG ee Mbaghati.

Kursiga hop 029 waxaa hadda loo xiray Axmed Maxamuud Jaamac oo ah Wariye ka tirsan Madaxtooyadda Jubbaland, waxaana lagu waddaa in uu kusoo baxo maalinta berri ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe