Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulanka la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka kala socday, wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka.

Kulankaa ayaa waxaa lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka sida loogu soo dhaweeyay iyo taageerada at siiyay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa waxaa jira dad dhigaya banaanbax looga soo horjeedo safarkiisa, iyaga oo sheegay in dhul ay leeyihiin ay xoog ku heysato Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe