Wednesday, May 27, 2026
HomeWararFaah faahin: Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Faah faahin: Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan degmada Dharkenley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay degmooyinka dhaca gabeedka caasimada, wuxuuna si gaar ah uga dhacay afaafka hore saldhig galbeed, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo geystay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay dhacdadaan ka bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe