Thursday, June 25, 2026
HomeWararDoorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur galbeed ayaà maanta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 14 Musharax oo ku tartamaya lixda kursi, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda la qabanayo & Musharrixiinta ku tartamaya ay kala yihiin.

1: Hop#261 oo uu ku fadhiyo Cabduqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu dhalay Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee ay ku tartami doonaan Saalax Shariif Sayid Cali oo hadda ah Wasiir Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Koonfur Galbeed & Ismaaciil Shariif Cali.

2: Hop#077, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Isgoowe deeroow Isaaq balse meesha laga saaray, waxaana ku tartamaya Maxamed Sheekh Cabdulaahi (Ciirow) oo ah Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed & Cabdinaasir Cali Xasan.

3: Hop#099 oo ay ku fadhiso dhowrkii sano ee la soo dhaafay Deeqo Xuseen Xasan, balse waxaa Maanta ku tartamaya Axmed Madoobe Nuunow Maxamed oo uu dhalay Xildhibaan hore Madoobe Nuunow Maxamed & Cabdinaasir Ibraahim Aadan
.
4: Hop#167 oo 18-kii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) oo meesha laga saaray, waxaana ku tartamaya Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed.

5: Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen oo meesha laga saaray, waxaana Maanta ku tartamaya Afar musharrax oo kala ah Luul Ibraahim Cumar, Nasteexo Axmed Nuur, Cabduqaadir Cumar Macalin & Cabduqaadir Aadan Cali.

6: Hop#186 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Xuseen Isaaq ( Afaraale) oo meesha laga saaray, waxaana ku tartamaya Cabduqaadir Cumar Macalin & Cabduqaadir Aadan Maxamed.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay ee uu kusoo geba-gabeeynaayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana Maanta hadii la doorto lixda kursi u hari doona 7 kursi oo lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe