Ciidanka booliiska magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan oo ay xabsi u taxaabeen labaddii nin ee dhaca u geystay masaajidka Al-Ihsan ee ku yaala 955 Minnehaha Ave. West.
Booliska ayaa soo bandhigay Magacyada iyo Sawirada laba rag ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo Jeremy Allen Glass oo jira 32 sanno jir ah iyo Christopher Edward Hughes oo jira 34 sanno.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baaritaan ku hayaan raggaas, isla markaana dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.

