Thursday, May 28, 2026
HomeWararShil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay halka 5-qof ay dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca raaxada ah uu shil ku galay Maqaayad ku taalla Agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu bareeg-goostay dad ku caweynayey banaanka maqaayad lagu magacaabo Mr. Fruto oo ku taalla isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka shilka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen kuwo fadhiyay banaanka maqaayada, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay mid kamid ah Isbitaalada kuyaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka shilka Gaari uu ka dhacay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamada ay xireen darawalkii Gaariga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe