Wednesday, May 27, 2026
HomeWararShir laga yeeshay Amniga degmada Guriceel

Shir laga yeeshay Amniga degmada Guriceel

Shirkan oo ah mid Todobaadle ah ayaa waxaa  ka qeyb galay Talisyada Booliska iyo Nabadsugidda Guriceel, Saraakiisha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Ciidamada Qeybta 21,aad gaar ahaan Guutada 15,aad, taliska Gorgor iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xaqijin lahaa Amniga Degmada Guriceel loogana hortagi lahaa cid walba oo lidi ku ah Amniga Magaalada.

Taliyaha Booliska Degmada Guriceel Cismaan Cali hudey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay is garab taagan yihiin Taliyaasha Ciidamada Qeybahooda kala duwan waxaana uu si gaara ugu nuux nuux saday in ay Sarakiishu is la qateen in laga Horataggo wax walba oo wax u dhimaya xasiloonida degaanka.

Degmada Gurceel ee Gobola Galaduud ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu Amniga wanaagsan degaannada Gamudug, balse waxaa horay ugu dagaaamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iy xoogaga Ahlusunna.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe