Wednesday, May 27, 2026
HomeWararTaliyaha Ciidanka Asluubta” Al-Shabaab waa ay kordhiyeen weerarada waa inaan ka hortagnaa”

Taliyaha Ciidanka Asluubta” Al-Shabaab waa ay kordhiyeen weerarada waa inaan ka hortagnaa”

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta Soomaakiyeed ay xikkigaan u diyaar garoowsan ka qeub qaadashada Ambiga dalka ,xilli Maanta loo dabaal degayo sanad guuradii 52aad oo ku beegan markii la Aas’aasay Ciidamada.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay fulinayaan markii markii loo jeestay dhanka siyaasadda iyo Arrimaha doorashooyinka, balse loo bahaan yahay in dhankooda loo jeesto oo laga hortago weerarada ay fuliyaan.

” Waan ku cel celinayaa Nimanku waxaa ay soo sheegteen inay na soo salaamaan, waa ay ula ekaatay anagana sidii aan ku salaami laheyn waa inaan mar walba diyaar u noqono oo aan ka jawaabnaa ayui yiri” Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhamaan Saraakiisha iyo Ciidamada Asluubta inay diysar u ahaadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Al-Shabaab ay xilli habeen ah weerareen Saldhiga degmada Kaxda iyo degaanka Daaru-salaam, sidoo kalena ay dhaceen dilal qorsheysan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe