Wednesday, May 27, 2026
HomeWararQarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafado katirsan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhacay Isgoyska Somali Star ee Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid Gaari uu watay loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ka tegay Magaalada laas-Caanood Magaalada Kismaayana u tegay arrimo dacwo, isla markaana qaraxa uu ku geeriyooday.

Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Jubbaland ayaa tegay Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray waddooyinka soo gala Isgoyska Somali Star ee Magaalada Kismaayo

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe