Wednesday, May 27, 2026
HomeWararDil ka dhacay Magaalada Muqdisho & faah faahin laga helayo

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & faah faahin laga helayo

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Xaafad katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxaa ay kudileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere ayaa xilliga la dilay Garaash kasoo baxsanayay Gaarigiisa, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalka katirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka la Shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo Askarta dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe