Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWaddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & sababta oo la ogaaday

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & sababta oo la ogaaday

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiran waddooyinka qaar ee muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya in Gaadiidka iyo dadka intaba ay maraan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah dhamaan wadada dheer ee hormarta degmooyinka, Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi wadadaas oo loo diidayo inay Gaadiidka isticmaalaan.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u diidaya inay xataa dadka u gudbaan xaafadaha degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

Sababaha xeritaanka wadada ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ay kajirto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Xernaanshaha waddooyinka muhimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay kadib markii  dhawaan Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho uu ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa beegsaday Gaadiid ay saarnaayeen Ergada doorashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe