Wednesday, June 10, 2026
HomeWararJubbaland oo faahfaahisay howlgallo laga sameeyay Kismaayo

Jubbaland oo faahfaahisay howlgallo laga sameeyay Kismaayo

Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa xalay Hawlgallo ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

“Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa caawa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Howlgaladan ayaa sii socon doona si looga hortago khataraha Al-Shabaab iyo waxkasta oo amniga lid ku ah.

“Wararka lagu marin habaabinayo bulshada loogana been sheegayo howlgalada amni ee caawa ka socda magaalada Kismaayo waa waxbo kama jiraan aan sal iyo raad laheyn,Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga”, ayaa lagu yidhi qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane).

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe