Wednesday, June 10, 2026
HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka golaha wadatashiga qaran xalay?

Maxaa looga hadlay Shirka golaha wadatashiga qaran xalay?

Waxa soo gabagaboobay kulankii ay xalay hotel Decale ku lahaayeen Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanaya doorashooyinka kaas oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinacyadda ayaa xalay si wey uga dooday sixitaanka doorashada waxaana jira isku soo dhawaansho ka roon sidii maalmihii lasoo dhaafay.

Shirku wuu sii socon doonaa waxana la filayaa inuu ka soo baxo gunaanadka Warmurtiyeed rasmi ah oo quseeya arimaha doorashooyinka sida hufnaanta doorashada, waqtiyeynta iyo amniga.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta mar kale la isku soo laaban doono si doodaha shirka ay u sii socdaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe