Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Maamulka Puntland iyo kooxo hubeysan oo ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya ayaa xalay iska-hor-imaad uu ku dhexmaray agagaarka Xerada Kabiska ee Waqooyiga magaalada Gaalkacayo.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen Saddex askari oo ka tirsan Booliiska iyo laba kamid ah Kooxaha hubeysan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Puntland oo wada howlgallo ka dhan ah waxyaabaha Maanka dooriya ayaa galay Goob ay ku sugnaayeen Kooxaha hubeysan taas oo dhalisay iska hor-imaadka.
War kasoo baxay Taliska Booliska qeybta Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 9 kamid ah ragga hubeysan iyo sidoo kale agab isugu jira Hub, Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha
Shaki la’aan koox kasta oo ku lug leh si dhuumasho inay uga ganacsato maandooriyaha halista waxay xiriir dhaw la wadaagta cadowga duulaanka ku ah Nabada,Xasiloonida,Horumarka iyo Sareynta sharciga,balse ciidamada Amaanku waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka iyo beegsiga shaqsiyaadka lagu helo falalka noocaas ah ayaa lagu yiri” Waka kasoo baxay Booliska.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku guda jiray howlgallo lagula dagaalamayay waxyaabaha Maanka dooriya, iyaga oo ku guuleystay in waxyaabo badan ay soo saaraan.

