Tuesday, May 26, 2026
HomeWararCiidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ayaa kala dhex galay maleeshiyaad reer guuraa ah oo dagaal culus ku dhex marey maalmihii lasoo dhaafey deegaano Galbeedka kaga beegan Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwa Nabadsugida iyo Ciidanka Booliiska oo shalay gaarey deegaanka Kaxandhaalle oo ah halka dagaalka ugu culus ka dhacey ayaa amniga si rasmi ah ugu wareejiyay ciidanka kumaandooska Soomaaliyeed ee GorGor oo fariisimo ka sameystay wadooyinka soo gala Balamballe.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku howlan sidii loo diyaarin lahaa qorshihii lagu kala rari lahaa maleeshiyaadka dagaalku dhex marey oo wali ku sugan aagag aan ka fogeyn goobihii dirirtu ku dhex martay.
Mudo labo maalmood ah oo dagaalku ka socday Kaxandhaalle iyo deegaano kale oo Balamballe Galbeedka kaga beegan ayay ku dhinteen dad ka badan 10-ruux, iyadoo dhaawacyadu intaa kasii badan yihiin sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Galmudug ee ku howlan dadaalka nabadeynta ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe