Tuesday, May 26, 2026
HomeWararXiisad dagaal oo Maanta ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud

Xiisad dagaal oo Maanta ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud

Xiisada oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ee wada dega Gobolka Galgaduud ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay  degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Galgaduud.

Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaalkaas ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka dagaalamay.

Dadka degaanka Turbi ayaa waxaa ay sheegeen inay saaka dareemayaan xiisad dagaal maadaama ay weli degaankaas isku hor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

laamaha Amniga ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Turbi, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo loo diro Ciidamo kala dhexgala.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe