Tuesday, May 26, 2026
HomeWararAdama Barrow oo dib loogu doortay madaxtinimada dalka Gambiya

Adama Barrow oo dib loogu doortay madaxtinimada dalka Gambiya

Guddiga doorashooyinka dalka Gambiya ayaa sheegay in Adama Barrow ku guuleystay doorashadii dalkaas  ka dhacaday Sabtidi.

Guddiga ayaa sheegay in Barrow helay 53% codadkii la dhiibtay halka uu helay hogaamiyaha mucaaradka Osino  Darboe 27%.

Taageerayaasha Adama Barrow ayaa isagu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas si ay ugu dabaal degaan guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.

Mucaardka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheehay inay diidanyihiin natiijada la shaaciyay, waxeyna ku eedeyn dowladda  wax isaba marin iyo masuq maasuq .

Doorashadaan ayaa tijaabo u ah hannaanka dimuquraadiyada dalka Gabiya oo kasoo kabanayaa xukunkii kalitalisnimada ee Yahye Jaamac oo dalkaas xukumaayay in ka badan 20 sano.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe