Saturday, June 27, 2026
HomeWararAbaabulka Mooshin oo ka socda Garowe

Abaabulka Mooshin oo ka socda Garowe

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa Garowe ka socdo abaabulka mooshin lagu burinayo wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka ee Baarlamanka Puntland ansixiyay Kal-fadhigii hore.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni uu guddoonka Baarlamanka ka codsaday in hal maalin lagu daro wakhtiga furitaanka Kalfadhiga oo ku beegan 25-ka bishan October 2021.

Wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka ee lagu ansixiyay Kal-fadhigii hore waxa ku jiray qodoba muran dhaliyay oo uu kamid yahay in guddoonka iyo xildhibaannada lagu ridi karo 44 cod.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe