Sunday, May 3, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Majaajiliiste Ajakis

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Majaajiliiste Ajakis

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin
Dhinaca kale  Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Cabdi muriidi Dheerre Ajakis oo ka mid ah bahda fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ajakis waxaana marxuumka uu Alle uga baryay in jannadii farowdsa aheyd rabbi ka waraabiyo.
Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.
Cabdi Muriidi Dheerre Ajakis ayaa ku soo caan baxay jilista Riwaayadaha iyo turjumida Filimada Hindiga, waxaana tan iyo burburkii uu kamid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan ee ka howlgalla Soomaaliya.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe