Monday, September 14, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha jabuuti iyo Masar oo kulan yeelanaya

Madaxweynayaasha jabuuti iyo Masar oo kulan yeelanaya

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa la filayaa in uu maalinta Khamiista ah ee barito gaaro dalka Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmi doono dhigiisa dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona arrimo uu ka mid yahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Bartamihii bishii April ayay madaxtooyada Masar sheegtay in Al-Sisi iyo Geelle ay ku wada hadleen khadka telefoonka, mowduucyadii ay ka hadleenna waxaa ka mid ahaa sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Blue Nile.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Masar hambalyo usoo diray madaxweynaha Jabuuti kaddib markii dib loogu doortay xilka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe