Wednesday, April 29, 2026
HomeWararKenya oo joojisay duulimaadyada diyaaradaha Soomaaliya

Kenya oo joojisay duulimaadyada diyaaradaha Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa saaka joojisay dhamaan diyaarada ka taga Soomaaliya ee yimaada dalkaas,  Marka laga reebo diyaararadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka.

Diyaarado siday dad Shacab ah oo u soo socday Soomaaliya ayaa saaka la hakiyay, iyada oo tallaabadaan ay Kenya u qaadeyso sababo la xiriira Khaadka Kenya ay Soomaaliya keeni jirtay oo weli xayiraad uu saaran yahay.

War kasoo baxay Hay’adda duulista Hawada ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 11 May ilaa 9 Agoosto la hakiyay duulimaadyada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii labada dal ay sheegeen inay dib usoo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed, balse Hay’adda duulimaadka Soomaaliya ay maalin kahor sheegtay inaan la fasaxin khaadka ka imaan jiray Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe