Friday, June 26, 2026
HomeWararMadaxweynaha Tanzaaniya oo booqasho Maanta ku tagtay dalka Kenya

Madaxweynaha Tanzaaniya oo booqasho Maanta ku tagtay dalka Kenya

Madaxweynaha Dalka Tanzaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa booqasho labo maalmood qaadaneysa waxaa ay Maanta  ku tagtay dalka Kenya.

Madaxweyne Suluhu ayaa goor dambe oo maanta ah waxaa aqalka madaxtooyada ee Nairobi ku qaabilaya madaxweynaha martida loo yahay ee ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta casuumaad u fidiyey dhigiisa dalka Tanzania, waana socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato dalkaasi.

Madaxweynaha Tanzania waxay sheegtay inuu Maamulkeeda go’aansaday in la xaliyo qaar ka mid ah arrimaha u dhexeeya labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Kenya waxay ku hungowday qorshooyin si wadajir ah oo lagu dhisi lahaa Dhuumo shidaalka geeya dalka Uganda, kadib, markii ay Dowladda Tanzania sababo la xiriira COVID 19 u xireen xuduudka dalkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe