Wednesday, April 29, 2026
HomeWararPuntland oo ogolaatay wareejinta Maxaabiis u xiran Burcad badeednimo

Puntland oo ogolaatay wareejinta Maxaabiis u xiran Burcad badeednimo

Xildhibaano ka tirsan labada Baarlamaan ee Galmudug iyo Puntland Wasiirkii hore Dekadda Iyo Kaluumeysiga Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor ayaa kulan Miro dhal ah kula qaatay magaalada Garoowe Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud maxamed.

Kulanka u dhexeeyay Xildhibaanada Labada Dowlad Goboleed iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saaray Wareejinta Maxaabiista reer Galmudug ah oo muddo 13 sano ah ku xiran Xabsiyada Puntland.

Qorshaha lagu Wareejinayo Maxaabiista ayaa ah mid in Muddo ah soo socdey, iyada oo ay Iska kaashadeen Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana maxaabiista loo heystaa fal burcadbadeednimo ah.

Wafdiga Galmudug oo uu hogaaminayay Gudoomiya Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Beeraha ee Baarlamaanka Galmudug , iyaga oo u mahadceliyay Wasiir Xaamud, soo dhawayntii Diiranay ee uu sameeyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe