Thursday, April 30, 2026
HomeWararfaafaahin:Qarax Sababay Khasaare oo loo dhigay Ciidan katirsan Ilaalada nabadgaylada Waddooyinka.

faafaahin:Qarax Sababay Khasaare oo loo dhigay Ciidan katirsan Ilaalada nabadgaylada Waddooyinka.

Wadada Xaafadda Daarusalaam ee Muqdisho waxaa barqonimada maanta ka dhacay Qarax sababay dhaawac soo gaaray Ciidanka katirsan Ilaalada nabadgalyada Waddooyinka (Traffic) oo Gawaarida weydiiya Ruqsadda (License) isla markaana hubiya Sumadda ku xiran.

Ilo kala duwan ayaa u xaqiijiyaywarbaahinta in Qarax miino loo dhigay Halka loo yaqaan Xoola Qalka oo u dhaxeeya Daarusalaam & Isgoyska Janaraal Daa’uud, waxaana goobta tagay Ciidamada ammaanka oo qaaday askarta dhaawacantay.

Muddo kooban ayay xireen wadada oo waxaa istaagay isu socodka Gaadiidka & Dadka, baaris kooban kadib waxa ay dib u fasaxeen Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah Wadayaasha ka howlgalla jidkaas.

Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Qaraxyo qaarkood loo dhigay Saraakiil & Ciidamo katirsan Dowladda oo sababay dhimasho & dhaawac, waxaana inta badan sheegta Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe