Thursday, April 30, 2026
HomeWararGalmudug oo guddi Wasiiro ah u xil saartay ka hortagga cudurka Karoonaha...

Galmudug oo guddi Wasiiro ah u xil saartay ka hortagga cudurka Karoonaha {AKHRISO}

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa Shir-guddoomiyey kulanka Golaha wasiiradda oo toddobaadkan ka dhacay Magaalada Cadaado.
Kulanka Golaha wasiiradda oo ku saabsanaa isbuucan dardargelinta howlaha xukuumadda,ayaa warbixin looga dhagaystay wasaarada dhowr ah sida:Maaliyadda, Caafimaadka,Howlaha Guud,Warfaafinta, Arrimaha Gudaha,Cadaaladda, Gaadiidka,Xanaanada Xoolaha,Boostada &Isgaarsiinta, Dhalllinyarada iyo Gadiidka.

Kulanka waxa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo wasaaradda caafimaadka ka gacansiiya baahinta tallaalka civid-19 iyadoona la amray in gaadiidka dowladdu iney ka qeybqataan Gaarsinta talalka Covid19 guud ahaan deegaanada xorta ah ee Galmudug.
Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa boggaadiyey wasaaradda amniga iyo ciidamada badda Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Dooni si-sharci daro ah uga kalumaysanaysay xeebaha gobolka Mudug.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ayaa faray dhammaan wasaaradaha inay dardargeliyaan adeegga ay bulshada u hayaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe