Wednesday, April 29, 2026
HomeWararSomaliland oo wajaheysa mowjaddii labaad ee cudurka Covid-19

Somaliland oo wajaheysa mowjaddii labaad ee cudurka Covid-19

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjadii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in hadda ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

Maxamed Cabdi Xargeeye oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaad Somaliland ayaa BBC u sheegay in haatan uu si deg deg ah ku faafayo cudurka xilli ay diiwaangeliyeen kiisas hor leh.

Wuxuu sheegay in arrimaha horseeday in cudurka uu mar kale uu kusoo laba kacleeyo Somaliland ay kamid tahay inay soo bateen kulamada dadweynaha gaar ahaan ololaha doorashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe