Thursday, April 30, 2026
HomeWararGobol ku yaalla Niger oo dad lagu xasuuqay

Gobol ku yaalla Niger oo dad lagu xasuuqay

Dowladda Niger ayaa sheegtay, in dabley hubeysan ay Isniinti tobnaan qof oo rayid ah ku dileen gobolka Tillaberi ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Niger iyo Mali.
Maleeshiyadan oo watay mootooyin ayaa rasaas oodda uga qaaday gaadiid ay la socdeen dad kasoo laabtay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla, magaalada Banibangou oo u dhaw xadka Mali. Ilaa 58 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi lagu xasuuqay dadka rayidka ah, laakin aagga ay dhibaatada ka dhacday ayaa waxaa caan ku ah maleeshiyaad mintidiin ah oo xiriir la leh ururka Daacish.
Afhayeenka Dowladda Niger Abdourahmane Zakaria, oo warka la xiriira xasuuqa dadkaasi loo geystay, xalay ka aqriyay TV-ga qaranka dalkaasi ayaa ku dhawaaqay saddex maalin oo baroordiiq qaran ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe